Aqalka Hoose ee Mareekanka oo u Codeynaya Xil ka Xayuubinta Trump

0
278

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii sedexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska haya. Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah. Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in uusan madaxweynuhu wax qalad ah sameynin.