<!-- Dhig qoraalkaaga inta u dhaxeeyso labada quatation marks-->




var a; a ="<center><h3>Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo mar kale ka digay Ciidamo shisheeye oo Soomaaliya la keeno sheegana in aysan ku lug laheyn Dagaalada Puntland..</h3></center>";


var b; b = "Mogadishu, Somalia (July 28, 2010):--Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta shir jaraa'id u qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn colaadda ka taagan Puntland, isagoo dhanka kalena ka digay in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya.";


var c; c ="[Colaadda Puntland waxay u dhexeeyaa Shacabka Muslimiinta ah oo dhibaato lagu hayay iyo ciidamada Puntland, taas macnaheeduna ma ahan in Al-shabaab ay dagaalka ku jirto,] ayuu yiri Sheekh Cali Dheere wuxuuna uga digay Afhayeenku saxaafadda in dagaalkaas ay la xiriiriyaan Al-shabaab, isagoo yiri: [Waxaan leeyahay dagaalku wuxuu u dhexeeyaa dad dhibaato lagu hayay iyo ciidamada Puntland.]";

var d; d = "[Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee dagaalka la galay ciidamada Puntland ayaa sheegay in uu jiro xiriir u dhexeeya iyaga iyo Xarakatul Shabaab oo inta badan gobollada koonfurta Soomaaliya gacanta ku haysa.";


var e; e ="Sheekh Cali Dheere, wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay adkeystaan inta ay ka guuleysanayaan maamulka Puntland oo uu sheegay inuu qarka u saaran yahay burbur, isagoo ku eedeeyay maamulkaas inuu xiriir la leeyahay dowladda Itoobiya.<p>Shirkii Midowga Afrika ee kusoo dhammaaday caasimadda dalka Uganda ee Kampala Sidoo kale mar uu ka hadlayay Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in uu ahaa shirkaasi mid ku dhammaaday guul-darro, maadamaa lagu gaaray go'aan in ciidammo dheeraad ah la geeyo Som-aaliya.<p>Xarakatul Shabaab waxay diyaar u yihiin inay xabbad kala hortagaan ciidan walba oo la keenayo Soomaaliya,] ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo intaas raaciyay: [Dowladda Soomaaliya kama aysan helin shirka wixii ay rajeynaysay oo ahayd in gacan intaas ka ballaaran la siiyo.]<p>Afhayeenka Xarakatul Shabaab Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Midowga Afrika ay dhowr jeer oo hore sheegeen inay ciidammadooda ku sugan Soomaaliya gaarsiinayaan 8,000-askari, balse ay taas ku guul-darreysteen sida uu hadalka u dhigay.<p>Go`aannadii kasoo baxay shirkii Midowga Afrika ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kampala ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo dheeraad ah loo diro Soomaaliya si loo xoojiyo ciidanka AMISOM oo dagaal maalinle ah kula jira Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.<p>Ciidamada AMSIOM ee ku sugan Muqdisho oo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda ay tiradoodu gaaraysaa 6,000 oo askari.<p>Cali Madoobe<p><p>Radio Banadir<p>Mogadishu, Somalia<p>";             

  



                                 
             
 
   
 


document.write("<IMG  src = 'images/1space.gif'>" + a +"<p align=justify>");
                        
document.write("<IMG  src = 'images/1space.gif'>" + b +"<p align=justify>");

document.write("<IMG  src = 'images/1space.gif'>" + c +"<p align=justify>");

document.write("<IMG  src = 'images/1space.gif'>" + d +"<p align=justify>");

document.write("<IMG  src = 'images/1space.gif'>" + e +"<p align=justify>");









































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































