Askar Itoobiyaan ah oo ku dhimatay shil Diyaaradeed

0
396

Isniin 11 Feebarayo 2019 (RBB News) – Ugu yaraan Saddex Askari ayaa ku geeriyootay 10 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, markii ay bur-burtay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikobtar-ka oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee Koofurta Suudaan.
Diyaaraddan ayaa ku bur-burtay Saldhig ay Ciidamadu ku leeyihiin Gobolka Abyey oo dhaca xadka kala qeybiya ,Koofur Sudaan, Suudaanta Waqooyi, iyo Itoobiya, xilli ay Ciidamo kasoo daabuleysay degaanka Kadugli ee Dalka Suudaan.
Lamana oga sababta keentay shilkan, balse taliye ku-xigeenka howlgalka UNISFA, Maj. Gen. Gebre Adhana Woldezgu, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay baarayaan sababta keentay shilka.
War kasoo baxay howlgalka UNISFA, ayaa lagu sheegay in ay Diyaaradda saarnaayeen 23 Qof, waxanay sheegeen in Saddex ka mid ah 10-ka Qof ee dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.
Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga askar gaaraysa 4,500,kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA ee ku sugan gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.
Suudaanta koofureed ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka Labada Dal ka billoowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka.