Askar Lagu Dilay Weerar Kadhacay Magaalada Kaabul Ee Afgaanistaan.

0
231

Talaado, RBB News:- Kooxda xagjirka ah ee Taliban ayaa dishay ugu yaraan 7 askari oo Afghanistan ah KADIB weerar lagu qaaday saldhig militari oo ku yaal waqooyiga gobolka Balkh ee waqooyiga Afghanistan.

Wasaaradda Difaaca ee Afghanistan ayaa sheegtay in dhimashada ay dhacday markii “argagixisadu” ay weerareen saldhig ku yaal degmada Dawlat Abad ee Balkh goor hore oo Talaadadii Saakay ahayd.

Saldhigga waxaa wadaagaya ciidamada Afghanistan iyo Agaasinka Amniga Qaranka (NDS), oo ah hay’adda sirdoonka ugu weyn ee Afghanistan.

Kooxda Daalibaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa gudoomiyaha degmada Dawlat Abad, ayaa tirada dhimashada ku sheegtay 15 qof.

Kooxda Taliban ayaa maalin ka hor sheegatay masuuliyada qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo lala beegsaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan waqooyiga Gobolka Kunduz. Hal askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerarkaas.

Weeraradu waxay dhacayaan iyadoo Mareykanka iyo Taliban ay wadaan wadahadalo dhex-mara oo loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ugu dheer ee Mareykanka.

Mareykanku wuxuu soo galay Afgaanistaan bishii Oktoobar 2001 wuxuuna xukunka ka tuuray xukunkii Talibaan waqtigaas. Laakiin ciidamada Mareykanka ayaa ku sii qulqulaya halkaas iyada oo loo marayo jaangooyooyinkii George W Bush, Barak Obama, iyo hadda Donald Trump.

Washington ayaa raadineysa xabad joojin ay la gasho xagjiriinta, kuwaas oo wali gacanta ku haya dhul ballaaran oo dhul ah.