Askari katirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Degmada Shibis

0
228

Isniin, RBB News- Wararka naga soo gaaraya Degmada Shibis gaar ahaan agagaarka isgooska Sanca waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu toogtay Askari katirsan Ciidamada Dowladda.

Waxaa la sheegay in koox ku hubeysan bistoolado ay risaas la dhaceen Askariga xili uu ku sugnaa afafka hore ee maqaayadda Aragsan oo ku dhegan xarunta Shirkadda isgaarsiinta hormuud ee ku taala halkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in arkariga la toogtay in uu la socday askari kale kaasi oo ku jiray gudaha maqaayadda, askriga la toogtay ayaa la tilmaamay in uu ku sugayay banaanka maqaayadda.

Ciidamadii ku sugnaa isgooska sanca ayaa soo gaaray goobta kuwaas oo baaritaano bilaabay, tiro dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen kuwaas oo ay ugu shikiyeen in ay ku lug leeuihiin falka dhacay.

Kooxdii hubeysnayd iyo ciidamada goobta soo gaaray ayaa lagu soo waramayaa in ay is risaaseyn dhex martay inkastoo weli aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Dhowr degmooyinka Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilalka noocaan ah ee loo geysto Ciidamada dowladda waxaana masuuliyadda dilalkaasi dusha u rita Xarakada Alshabaab.