Axmed Madoobe Oo Eedeyn Kulul Ujeediyay Dowlada Dhexe.

0
269

Isniin RBB News:- Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Mamulka Jubbaland si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu asbuucyadii laso dhaafay ku joogay magaalada Nairobi.

“ Soomaaliya maanta kugu san kugu san ayay meel ku tagi kartaa laakiin aniga iri meelna kuma tagayso”.

Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safarro shaqo oo uu ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha markii uu kasoo dagay garoonka waxaa loo galbiyay qeybta Nasashada Garonka waxa uuna isla goobtaasi kula Hadlay warfidiyeenada.

Sidoo kale Madaxweynahe Axmed Madoobe ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Ku eedeeyay in ay ku fashilmeen isku wadidda siyaasadda dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in dadka reer Jubbaland marxalado kala duwan soo mareen muddooyinkii laso dhaafay laakiin hadda ay xaaladdu marayso meel wanaagsan.

Madaxweyne Axmed Madoobe inta uu kusugnaa Magaalada Nairobi waxa uu lakumay mas’uuliyin kala duwan oo katirsan Dowlada Kenya, Hogaamiyaha Ururka ONLF Iyo Xubno ay Kamid Yihiin madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed Iyo Shariif Xasan Sheekh aadan Madaxweynihii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Ayagoona inta badan kawada Hadlay Khilaafka Dowlada Dhexe iyo Maamulk Jubbaland iyo Qaabka loo wajahayo Doorashada Madaxweynaha ee Soo aadan.