Ayax guugaya oo ku dagey qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

0
296

Isniin, RBB News:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax aguugaya(guuraya oo raxan raxan u socda), uu ku dagey deegaanno  ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka