Baarlamaanka Maamulka Putland Oo Maanta Ansixinaya Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulkaasi

0
1003

Sabti 16 Febraayo 2019 (RBB News) – Kulanka Xildhibaanada Maamulka Putland ayaa Waqtigan Si hab sami leh kaga socda Xarunta Baarlamaanka Maamulka Putland Ee Garoowe, Waxaana ujeedku yahay Ansixinta Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Mudane Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Putland ayaa Hadda Khudbad jeedinaya, isagoo xildhibaanada ka dalbaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay.

Dhinacyda Amniga, Kocinta Dhaqaalaha iyo Siyaasad hufan ayuu sheegay in ay saldhig u noqon doonaan Golaha Wasiirada Ee Maamulkaasi, Xildhibaanada Maamulka Putland ayaa la filayaa in ay maanta ansixiyaan Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulka Putland.

 

Waxyaabaha kasoo baxa Kulanka Maanta Ee Baarlamaanka Maamulka Putland Waan idiinla Wadaagi Doonaa.