Beesha caalamka oo war ka soo saartay xaalada cakiran ee Gobolka Idlib

0
244

Sabti, RBB News:- Inkabadan 235,000 ruux ayaa ku barakacday labadii todobaad ee la soo dhaafay duqeymaha diyaaradaha Ruushka iyo Suuriya ka wadaan gobolka Idlib.

War saxaafadeed ka soo baxay hey,ada qaramada Midoobay ee dhanka arimaha bani aadanimada oo loo yaqaan UN OCHA, ayaa xaqiijisay dadkaan ay barakaceen 12-kii ilaa 25-tii bishan December.

Milatariga Ruushka iyo Suuriya oo iskaashanaya ayaa duulaan ku qaaday gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Galbeed.

Gobolka Idlib ayaa waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka hubeysan ee dagaalka kula jirta dowlada Suuriya sideedii sano ee la soo Dhaafay.

Duulaankan ayaa horay waxaa kaga digay beesha caalamka taasi oo kaga sii dartay xaalada bani aadanimo oo ay wajahayaan shacabka Suuriya