Bil kadib weerarkii Gobolka Banaadir yaloo xiray

0
245

Sabti, RBB News – 24-kii bishii July ee sanadkan waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala bartilmaameydsaday Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo ay isi soo tarayaan eedeymaha xoogan ee loo jeedinayo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotonta guuldarooyinka amni ee ay la kulmeen mudada ay xilka hayaan

Qaraxaasi waxaa ku dhintay toban qof oo ugu muhiimsan yahay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo `1dii bishan dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa laba toddobaad kadib qaraxaasi shaacisay in qaraxu uu ahaa mid ismiidaamin ah, isla-markaana ay fulisay gabar araga naafo ka ahayd. Sidoo kalena ay jiraan dad loo soo qab qabtay qaraxaasi oo xiran walow aan lasoo bandhigin dadkaasi iyo xogihii ay sheegen.

Sharaxaadda ay Wasaaradda Amnigu ka bixisay qaraxaasi oo ahaa mid aan faah faahsanayn ayaan illaa iyo hadda u cuntamin shacabka Soomaaliyeed, waxaana jira su’aalo fara-badan oo ku gadaaman sida uu qaraxaasi u dhacay.

siyaasiyiinta falanqeysay arrimaha siyaasada soomaaliya ayaa isku raacay in Hogaanka ugu sareeya Dalka Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre ay gabeen masuuliyadii ay u dhaarteen iyago xiligan ku mashqulsan la dagaalanka mucaaradka Dopwladda kasoo horjeeda.

Siyaasi Muqtaar Maxamed Cali oo Warbaaxinta la hadlay ayaa madaxda dowladda ku tilmaamay caado qaatayaal u diyaarsan daadinta dhiiga shacabka iyo burburinta dalka waa sida uu hadalka u dhigee.

”Farmaajo iyo Kheyre waxa ay dalka ku wadaan bohol weyn oo hadaan laga gaarin mustaqbalka danbe sameyn ku yeelan doono maqaamka wadanka tan yo markii ay xilka la wareegen waxay dayaceen fulinta balamihii ay qaadeen iyagoo u badalay dhiig daadin iyo dhicista hantida qaranka”

isagoo hadalkiisa siiwata ayuu yiri ”qaraxii xarunta Gobolka ka dhacay wuxuu ahaa mid ay ka danbeyeen masuuliyiinta dowladda katirsan waxba yaan lagu ganban shaarka shabaab waan ognahay al shabaab ma awoodan in ay gudaha u galeen xarun dowladeed balse wuxuu ahaa shirqool lagu doonayay in lagu ciribtiro hal doorada reer Muqdisho”

Siyaasi Muqtaar Maxamed Cali ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay baaq uu u diray Madaxda Dowladda kasii uu kaga dalbanayay in ay cadeeyan mowqifkooda iyo cidii ka danbeysay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir Bil ka hor.

”talisyada ciidamada oo la bedelo waxba kama badaleyso xaalada murugeysan ee amni darada ee wadooyinka xiran iyo dilalka joogtada ee Muqdisho ay martigeliso Farmaajo waa in la imaada isbadel dhan ah oo aad cadeysan cidii ka danbeysay weerarka bil jirsaday ee lagu dilay xubnihi muhiimka u ahaa muqdisho reer muqdisho wa dad u diyaarsan dowladdnimada bixiya canshuurta dowladda marka sidan mayeeli doonaan”

Geesta kale Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ku andacoonaya inaanu qofna isu qarxin karin Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, haddii aanay jirin gacan-siin gudaha ah. Dadku waxay fahamsan yihiin in Aqalka Dowladda Hoose uu amnigiisu yahay mid aad u adag.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dal iyo dibadba waxay tuhmayaan in qaraxaasi ay fududeeyeen Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ka tirsan, dowladuna ay u muuqato mid aan doonayn inay xubnahaasi sharciga la tiigsato.

Marka laga soo taggo eedeymaha Dowladda Federaalka Somaliya loo jeedinayo ayaa waxaan dhanka kale jirin cid illaa iyo hadda sharciga loo horkeenay ku lug lahaanshiyaha qaraxaasi.