Boko Xaram oo weerartay Saldhig ciidan oo ku yaal xadka ay wadaagaan Nageria Iyo Chad.

0
1230

Arbaco, RBB News – kooxda Boko Haram ee Nigeria ayaa waxay dileen ugu yaraan 92 askari oo Chad u dhashay kadib markii ay weerareen ciidan oo ku yaal xadka ay wadaagaan Nageriya Iyo Chad.

Weerarka dhimashada ayaa ka dhacay Boma, oo ku taal galbeedka Gobolka Lac, horaantii wuxuuna socday ku dhawaad ​​7 saacadood.

Kooxda Boko Xaraam ee ka dagaalanta waqooyi-bari Nigeria ayaa sare u qaadeysay weeraradooda gobolka Lake Chad bilihii u dambeeyay.

Boko Haram waxay ololaheeda militari ka bilowdey Nigeria sanadkii 2009 iyada oo ujeedkeedu ahaa in ay meesha ka saarto dowladda dhexe.

Ololaha Boko Haram ee Nigeria waxa ku dhintay in kabadan 30,000 oo qof wuxuuna ku barakacay qiyaastii 2.5 milyan tan iyo sanadkii 2009.