Booliis Ingariiska ayaa isku diyaarinaya ilaalada dadka reer Iiraan iyo Ciraaq

0
253

Khamiis, RBB News:- Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska UK ayaa sheegay in Dhankooda ay aad ugu feejiganyihiin wixii khatar ah ee ka imaan kara xiisadda Iran iyo Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Hadallada Dick waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in hay’adaha amniga ee UK ay xoojiyeen la socodka hay’adaha muhiimka ah ee Iran ama Iran ku xiran London.

Wargeyska The Times ayaa shalay sheegay in hay’ad samafal oo ingiriis ah, oo sida la sheegay ku xidhan Iran ay baaritaan ku wado hayada samafalka iyo saraakiisha Whitehall ee ku amaaney taliyihii ciidamada Qods ee la dilay, ee General Qassem Soleimani.

Xarunta Islamic of England (ICE) ayaa lagu soo waramayaa in ay munaasabad baroordiiq ah ay ku qabatay London taariikhdu markay ahayd 04 Janaayo si loogu xusuusto Taliyihii ugu sareeyay ciidanka Qudus Ee Iiraan General Soleimani oo ku shahiiday gacanta ciidamada Mareykanka.