Booliska UK oo loogu baaqay in ay xiraan Madaxweynaha Masar

0
152

Axad RBB News:- Sharci yaqaano ku sugan UK ayaa Booliska London u gudbiyay codsi ah in xiro madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii oo ay ku eedeeyeen doorkii uu ku lahaa geerida Maxamed Mursi.

Madaxweynihii hore ee sida dimuquraadiga ah ay u soo doorteen shacabka Masar ayaa istaaga ka dhacay, isagoo ku sugnaa Maxkamada magaalada Qaahira.

Sharci yaqaanadaan ayaa intaa ku daray in dowlada Masar ay si qaldan u adeegsatay awoodeeda taasi oo sabab u ah in xanuun uu u dhinto madaxweyne afganbiga xilka looga qaaday Cabdifataax Al-Siisii.

Baaqaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Cabdi Fatah Al-Siisii Isniinta maanta ah socdaal laba maalin ah ay uga bilaabatay UK.