Bukaano looga shakiyay caabuqa Corona oo la dhigay isbitaalka Kenyatta

0
254

Laba ruux oo ay ka muuqatay xumad daran ayaa axadii shalay xilli danbe la dhigay isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Bukaanada saarnaa diyaarad ka timid dalka Shiinaha ayaa looga shakiyay in ay qabaan caabuqa Corona, waana muwaadiniin u dhashay Dalkaasi.

Dowlada Shiinaha ayaa wali la tacaaleysa cudurkaan oo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ka dilaacay magaalada Wahun.

Ilaa iyo hada waxaa ku dhintay inkabadan 300 boqol halka kumanaan kale la dhigay xarumaha caafimaadka ee Dalkaasi.

Xukuumada Beijing ayaa dhanka kale xanibaad ku soo rogtay galitaanka iyo ka bixitaanka magaalada si caabuqaan uusan ugu faafin dhul weynaha Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee Kenya oo xiriir wanaagsan la leh shiinaha ayaa walaac ka muujineysa cudurkaan iyadoo maalmo gudahood bukaan looga shakiyay cudurkaan la dhigay isbitaalka Kenyatta.