C/raxmaan C/shakuur Oo Lakulmay Sheekh Shaakir.

0
276

Isniin RBB News:- C/raxmaan C/shakuur Warsame oo booqasho ku joogga Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu kula kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Axadii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ka wada hadleen midnimada shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan C/shakuur ayaa Sheekh Maxamed Shaakir ugu baaqay in laga shaqeeyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay, iyadoo aan cidina laga tagin.

Warsame oo deegaan ahaan ka soo jeeda Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku maraayay qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud & Mudug.