Cabsi Laga Qabo Dagaal Dhaxmara Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Jubbaland

0
271

Khamiis, RBB News:– Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waan-waan ka dhex bilaabay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kadib cabsi xoogan oo laga qabo in Dagaal uu ku dhaxmaro labada dhinac gudaha Balad Xaawo.

Ciidamadii Jubbaland oo gelinkii dambe ee Talaadadii isaga baxay Degmada Beled Xaawo ayaa waxaa gacan kiheynta Degmada Lawareegay Ciidamo oo ka amar qaata Dowlada Dhexe ee somaliya waxaana ayna kaso ruqaansadeen Ciidamadaasi Degmada Doolow ayagoo islamarkiiba fariisimo ka samaystay kastamka canshuuraha lagu qaado ee xuduuda Beled Xaawo ku yaala.

Ciidamadan Jubbaland oo kusugan meel udhaw Degmada Beled Xaawo ayaa laga cabsi qabaa suurtagalnimada inuu gacan ka hadal dhex maro ayagga iyo Ciidamadii Dowladda ee degmadaasi la wareegay, habeen hore.

Odayaasha Dhaqanka oo doonayo in laga baaqsado Colaadaasi ayaa bilaabay kulamo ay labada dhinac la qaadanayan waxayna kula talinayeen Maamulka Jubbaland Iyo Dowlada in ay ka fogaadaan wax kasta oo gacan ka hadal keeni kara.

Hoggaanka Dhaqanka ayaa waxay ka digeen in la carqaladeeyo amniga ay maanta haystaan bulshada ku nool degmada xuduuda dhacda

Dowlada Somaliya Ayaa lagu Eedeeyay in Ciidamada ay kudaabuleyso Gobolka Gedo ay kaga gol leedahay sidii ay ula wareegi lahayd gacan ku heynta Gobolka Gedo xilli Gobolkaasi uu hoostago maamul Jubbaland.