Cabsi Xoogan Oo Kataagan Degmada Raage Ceele.

0
285

Arbaco, RBB News:Degmada Raaga celle  waxa ay katirsantahay Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa deegaano duleedka ka ah kusugan Xubno katirsan Dagaalamayaasha Alshabaab

Wararka ka imaanaya Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xiisad laga dareemayo degamdaasi, sida ay soo sheegayan dadka deegaanka.

Tani ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay weerar ku soo yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duleedyada Degmada Raage Ceele lagu arkay dagaal-yahano fara-badan oo kuwa Shabaabka ah.

Sidoo kale Ciidamadii Dowladda ee degmadaasi ku sugnaa ayaa waxaa qaarkood la soo sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay baneeyeen fariisimahoodii halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba in dagaal uu degmadaasi ku dhex maro Ciidamada Dowladda ee weli sugan iyo maleeshiyada Al Shabaab, waa haddii ay weerar ku soo qaadaan.

Masuuliyiinta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin xiisadda ku soo korortay Degmada Raage Ceele.