Cali Axmed Jeldah oo lagu dilay Yamen

0
206

Arbaco, RBB News – Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Axmed Jeldah ayaa lagu dilay Gobolka Shabwah gaar ahaan tuulada Al Malbuuja ee dalka Yamen.

Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay nin u dalkaas kana mid ahaa dadka wax tahriibiya.

Ka hor inta uusan falka dhicin ayaa la tilmaamay in uu soo kala dhex muran sababay dilka marxuum Cali Axmed Jeldah oo kamid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaas.

Meydka marxuumka ayaa la sheegay in goobta laga qaaday. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa dalbaday in cadaaladda la horgeeyo shaqsiga dilka geystay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira Soomaali badan oo dalkaasi Yamen kaga gudba sacuudiga oo ay xuduud wadaag yihiin, Sidoo kale dalka Yamen waa mid kamida dalalka dagaalada ay ka jiraan iyadoo dalkaas duqeymo qadaare geysta ay ka fuliyaan Xulufa uu hogaamiyo Sacuudiga.