Canada oo joojisay dib u celinta muwaadin soomaaliyeed

0
274
Sabti, RBB News – iyadoo soomaali badan ay ku nool yihiin dalka canada ayaa dhawaan waxaa lagu waday in dib soomaaaliya loogu celiyo muwaadin soomaaliyeed oo lagu helay dambiyo dhowr ah ayaa waxa soo baxaya in laga laabtay go’aankii lagu celi lahaa muwaadinka ka dib fariimo codsi ah oo ka yimid Qaramada Midoobay.
Dowladda Canada ayaa oggolaatay in aysan dib u celin Muwaaddin Soomaali ah oo isaga oo da’ yar galay dalka Canada hayeeshee aan waligii helin deganaansho rasmi ah.

Muwaadin Soomaali ah oo isagoo da’yar galay dalka Canada balse aan ilaa hadda helin daganaasho rasmi ah ayaa dib u helay fursadii uu ku sii jogi lahaa dalka Canada kadib markii la go’aamiyay in Soomaaliya lagu soo celiyo.

Wiilka Soomaaliyeed ayaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin weerar iyo falal la xiriira argagixisnimo, waxaana Canada ay u qorsheysay in Isniinta soo socota ay ka dejiso magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Dowladda Canada ayaa Qaramada Midoobay ka ogolaatay iney joojiso dib u celinta muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdullahi Cilmi oo 34 jir ah kadib codsi Jimciyada qurumaha ka dhaxeyso u gudbisay dowladda Canada.