Caruur Soomaali Maraykan Ah Oo Dabaq Ka Soo Dhacay Oo Ku Geeriyooday Maraykanka

2351
7696

Caruur yar oo hal sanno jir ah ayaa la sheegay inuu shalay ka soo dhacay daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismo ku yaalla Deegaanka Northview Heights oo u dhow magaalladda Pittsburgh  oo ka tirsan Gobalka Feneslafaaniya ee dalka Maraykanka.

Afhayeenka Waaxda Ammaanka Dadweynaha ee magaalladaasi, Chiris Togneri ayaa sheegay inay Saraakiisha Boliska sababta keentay inuu ilmaha yar ka soo dhaca Daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska iyo Dhakhaatiirta Isbitaalladda warbixin ku dhiibeen inuu ilmaha yar ku dhacay meel 35 cagood ama Feet u jirta dhismaha ay Waalidkiisa degganaayeen.

Afhayeen Chiris Togneri waxa uu intaasi ku daray in ilmaha yar loola cararay Isbitaalka, balse uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Dhinaca kale, Sarkaalka Xafiiska baaritaanka Caafimaadka weli ma shacainin magaca cunug yar ee geeriyooday iyo magaca waalidkii dhalay.

Dhinaca kale, Qaraabadda ilmahaasi ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee WPXI inuu ilmaha ku dhacay Shaashad, ka hor inta uusan ka sii dhicin Muraayadda daaqadda.

2351 COMMENTS