Cawaaqibka ka dhalan kara xiisadda Somalia iyo Kenya

0
1231
Image result for voa somali logo
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda mar kale soo cusboonaatay ee ka taagan xuduudda labada dal.
Maalintii shalayna wafdi ka socda dawladda Kenya ayaa yimid magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i.
Dhinaca kale beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku sheegay inay walaac xooggan ka qabaan ciidamada lagu ururinayo gobolka Gedo.
Haddaba xiisadda taagan cawaaqib intee le’eg ayey ku reebi kartaa xiriirka labada waddan?
Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Nur Bukhaari uu hordhigay Cabdiwahaab Sheekh
Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.