Ciidamada Danab Oo Howlgalo ka wada Awdhiigle

0
520

Arbaco, RBB News – Wararka saaka ka imaanaya Degmada Awdheegle oo ka mid ah degmooyinka dhinaca galbeeed ka xiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab howlgalo ay saaka ka wadaan degmadaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada howlgalka wada ayaa sheegay in howlgalkan falcelin uu u yahay Weerar alshabaab dhowr jeer kusoo qaadeen degmada awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xalay fiidnimadii ayaa la sheegay in Dagaalyahano katirsan Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin Awdhiigle, waxaana la sheegay in dagaalku uu socday waqti kooban weli aan si rasmi ah loo hayn qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dhaq dhaqaaqyo ayaa lagu soo waramayaa in ciidamadu saaka degmadaasi ay ka wadaan iyagoo sheegay saraakiisha u hadashay ciidamada in ay baadi goobayaan goobaha alshabaab weerarada ay kasoo qaadeen si ay kaga hortagaan.

Dad ku sugan awdhiigle ayaa sheegaya in ay degmada saaka laga maqlayo oo lagusoo toosay dhawaaqa risaas ciidamadu ridayaan.

Degamada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa tira dhowr jeer ah isku bed bedalay gacan ku heynteeda Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Iyadoo dad ku nool degmadaasi ay cabsi iyo baqdin joogta ah lamaane ay la noqdeen iyagoo saacad waliba fisha in dagaal ka dhici karo degmadaasi.