Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Jubbaland Oo Kudagaalamay Baladxaawo.

0
212

Sabti, RBB News:- Wararka Ugu dambeyay Ee naga soo gaaraya Duleedka Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa soo sheegaya in halkaasi uu Dagaal Xoogan ku dhaxmaray Ciidamada Maamulka Jubbaland Iyo Kuwa Dowlada.

Waxaa lasoo warinayaa in Dagaalku uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala garay labada Dhinac.

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in saakay Lagu arkay Duleedka Baladxaawo lana sheegay in ay Qorsheenayeen in ay weerar ku qaadaan degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamo taabacsan dowladda Federaalka oo diyaarado looga soo daabulay Muqdisho.

Madaxweyne Kuxiheenka Maamulka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo todobaadkii hore ka baxsaday dowladda Soomaaliya ayaa horkacaya ciidamada Jubbaland ee Dagaalka Lagalay Ciidamada Dowlada.