Ciidamada dowladda oo toogasho ka geystay Muqdisho

575
9371

Jimco, September, 21, 2018 (RBB NEWS) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah ku toogtay xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo watay gaari yar oo ku raaxda ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada si bareer ah u toogteen ninkan dhalinyarada, kaddib-na ay goobta isaga cararreen.

Ciidamo kale oo ka tirsan isla dowladda oo gobta tagay ayaa la sheegay in ay halkaa ka qaadeen marxuumka oo magaciisa ku soo koobeen Dayax.

Lama oga ujeedada ka danbeysa toogashada ciidamada dowladda ay u geysteen qofkan ku socdaalayay gaariga, hasse ahaatee dad goobta ka agdhawaa ayaa sheegay in ciidamada dilka geystay wateen gaari Cabdi Bile ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii askari ka tirsan ciidamada dowladda loo soo xiray dilka gabar 9 sano jir aheyd oo la soctay Bas –ka Dugsigii ay wax ka baran jirtay.

575 COMMENTS

  1. Do you mind if I quote a few of your posts as long as I provide credit and sources back to your webpage?
    My blog site is in the very same area of interest as yours and my visitors would definitely benefit from some of the information you provide here.
    Please let me know if this ok with you. Thanks a lot!

  2. Wow! This could be one particular of the most helpful blogs We have ever arrive across on this subject. Basically Wonderful. I am also a specialist in this topic therefore I can understand your hard work.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here