Ciidamada Jubbaland Oo Sameeyay Howlgallo Lagu Baacsanayo AL-shabaab.

0
405
Isniin 11 Feebarayo 2019 (RBB News) – Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo kasameeyay deegaanada dhaca waqooyiga deegaanka Baar-sanguuni
Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa xarumaha ku leh Baar-sanguuni ayaa sameeyay howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanada Baar-sanguuni kaga beegan dhanka waqooyi.
Ciidamada oo wata gaadiid fara badan iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hadda ku sugan deegaanka koban oo hoosataga Baar sanguuni waxaana ay ku raad joogaan koox katirsan Alshabaab oo ay sheegeen in ay doonayaan in shacabka soomaaliyeed ee beeralayda ay dhibaateeyaan islamarkaana ay miinooyin wadada hareeraheeda ay galiyaan.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey ahayd markii ay afar miino oo kuwa dhulka lagaliyo ah ay soo saareen ciidamada daraawiishta gaar ahaana kuwa u tababaran kahortagga waxyaabaha qarxa.
Bilowgii sanandkaan ayaa deegaanada u dhaw Baar-sanguni ayaa lagu dilay in badan 70 kamid ah kooxda Alshabaab.