Ciidamada Kiinya Oo Heegan Lagaliyay Iyo Casbsi Katagan Dalkasi.

0
376

Khamiis RBB News:- Ciidanka Amniga Kenya ayaa la galiyay heegan sare si loo xaqiijiyo amaanka inta lagu gudo jiro fasaxa dadka aan Islaamka aheyn Christmass-ka oo ku beegan bisha soo Socota.

Sargaal ka howlgala xafiiska Iskuduwaha dhanka Amaanka ee gobolka waqooyi Bari ayaa u xaqiijiyay Universal in dhamaan saraakiisha Amniga lagu amray in ay muujiyaan feejignaan Buuxda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyay weeraro ku qaadayay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha wadada weyn ee isku xirta Mandera iyo Garissa oo ay ku dileen in ka badan boqol qof oo aan Islaam Aheyn.

Dadkaan oo ka soo jeeda gobolada kale ee Kenya ayaa siyaabo kala duwan u jooga gobolka Soomaalida waxaana ka mid macalimiinta Iskuulada iyo xoogsato guryaha Dhista.