Ciidamada Xogga Oo Fuliyay Howlgalo Lagu Dilay Xubno Katirsan Alshabaab.

0
434

Khamiis RBB News:- Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay dileen shan xubin oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii Ciidamda Shabaabka .

Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, waxa ayna Ay isfara saareen xubno katirsan shabaab oo kusugnaa deegaanka Baladul Amiin  oo ay Al-Shabaab ku suganyihiin.

Ciidanka lugta ee ka tirsan Xoogga dalka oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka Baladul Amiin oo durba gaaray halkaasi, ayaa weerar aan waqti badan qaadan ku diley shan Xubin iyo Horjoogihi watay kooxdaasi.

Saraakiisha Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa balan qaaday in ay howlgalladan sifeynta ah laga soo jeesan doonin ilaa inta laga laga tirtirayo Al-Shabaabka ku dhuumaaleysanaysa meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose Waa sida ay hadalka udhigeen Saraakiisha.

Deegaannada ay ciidamadu gaareen oo ay la wareegeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Ee Goboklka Sh/Hoose ayaa sheegay in  deegaanada ay kala wareegeen shabaabku lagu dhibaateyn jiray  Shacabka Islamarkaan ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah, taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka.