Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgalo saaka ka sameeyay Gobolka Mudug

0
406

Axad, RBB News – Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara oo hoosyimaada gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab sida saraakiisha ciidamadaas ay sheegeen.

Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana la sheegay in ay ciidamadu qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa Alshabaab iyo kuwa ka tirsanaa sida uu gudoomiyuhu sheegay.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo Alshabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolladaasi.