Ciidamo Itoobiyan ah oo aan kamid ahayn Amisom oo soo galay Soomaaliya

0
243

Talaado, RBB News – Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya wararka Saaka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in halkaasi gaareen Ciidamo itoobiyaan ah oo ka yimid xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee magaalada jig jiga.

Waxaa la sheegay in Ciidamadan itoobiyanka ah aysan qeyb ka ahayn howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna wateen gaadiidka nooca dagaalka sida ay sheegayaan dadka ku sugan deegaanada dhaca Gobolka galgaduud ee xadka la leh Itoobiya.

Si gaar ciidamada ayaa ku sugan saaka deegaanada ay ku dagaalameen Dad rayidka rayidka ah iyo ciidamada Liyuu boolis oo dhowr jeer lagu eedeeyay in ay tacadiyo ka dhan ah aadanaha ka geystaan deegaanadaasi.

Deegaanada Boorancad ayey waqtigan ciidamda itoobiya ku sugan yihiin oo ay 22 bishan Ciidamada xoogga dalka ay maxaabiis ay kala heysteen labada dhinac ee wada dagaalamay ee Ciidamada Liyuu boolis iyo dadka shacabka ah u kala wareejiyeen.

Ciidamda itoobiya ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay ku dhaqmaan talaabooyin ka baxsan howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya, gobolka Gedo ayaana kamid ah goobaha ciidamada itoobiya ay tageen inkastoo taliyaha ciidamada xooga Dalka Odowaa Yuusuf Raage uu sheegay in ay ciidamadaas ay kamid yihiin howlgalka midowga afrika ee Amisom xaqna u leeyihiin lamid ahaanshaha ciidmada kale ee Amisom ee ku sugan ee gudaha Soomaaliya.