Ciidamo loo daabulayo Magaalada Dhuusomareeb ogow sababta?

0
341

Axad, RBB News – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa waxa ay tibaaxayaan in labo diyaaradood oo ciidamo sida ay saaka ka dageen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, iyadoo ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida amniga magaalada iyo shirka dhowaan dhici doona.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa saaka aroortii diyaarado looga soo qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waana ciidamadii u horeysay oo ka dega Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan la geynayo xarumaha ay dhowaan la wareegtay dowladda Federaalka sida xarunta Shiirkole ee loo qorsheeyay in la dejiyo ergooyinka ka qeyb galaya shirka.

Ahlusuna ayaa ka hortimid qorshaha Ciidamo lagu geynayo Dhuusamareeb, iyagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidamada lagu soo daabulayo.

Khilaaf salka ku haya qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta ayaa u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, iyadoo laga war helay in ergo la diyaariyay in shirka laga qeyb geliyo.

Heshiisyadii ay galeen Ahlusuna iyo Dowladda ayaa u muuqda kuwa aan wax miradhal ah laheyn iyadoo walaac xoogan laga muujinayo dhismaha Maamulka Galmudug