Ciidanka Amniga oo Marka ku qabtay 4 Shabaab Ah oo qarax Waday.

0
255

Isniin RBB News:- Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Afar Xubin oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamda Dowlada ayaa sheegay xilliga laqabanayay xubnahan in ay wadeen Qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Xubnahan ay Ciidamadu qabteen waxaa kujirtay Labo dumar ah oo waliba mid ka mid ah ay Uur leedahay Sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amaanka.

Tan ayaa cadayn u ah in Awooda Alshabaab haatan ay aad u liidato oo ay wiiqeen ciidanka dowladda, haatana ay isku dayaan inay adeegsadaan Haweynka iyo Caruurta ayuu yiri Sarkaal Katirsan ciidamada dowlada Ee Gobolka Sh/Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay deegaano badan kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.