Colaadii Jawiil Kataagneyd Oo Lasoo Afjaray

0
383

Axad RBB News:- Iyadoo maalmihii ugu Dambeeyay ay Dagaal udhaxeeyo labo maleeshiyo beeled uu kasocanayay Degmada Jawiil Ee Gobolka Hiiraan ayaa Maamulka gobolka Hiiraan waxa uu bilaabay xal u raadinta colaadaasi

Cali Macamud Caraale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay kaa dhax galeen beelaha dagaalamay ayna dhax dhigeen heshiiska lagu dhameynayo Khilaafkooda.

Gudoomiyaha ayaa intaas kudaray in wada hadalka ay suuro galiyeen Odayaasha labada Dhinac isagoona uga mahadceliyay ogolaashaha in wada hadal ay isugu yimaadaan si loo soo afjaro Colaada halkaasi kajirtay.

Odayaasha labada dhinac matalayay ayaa Maamulka Gobolka dhankooda ugu mahadceliyay Dadaalada ay kubixiyeen Daminta iyo soo afkarida Dagaalkii Udhaxeeyay

Dhanka kale Taliyaha guutada 5-aad ee Ciidanka xoogga dalka Faarax Cali Waasuge ayaa Odayaasha labada beelood ku wargaliyay in ay ka fogaadaan wax walbo oo sababi kara in markale dib uu usoo laabto colaadii jirtay.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu Dagaal udhaxeeyo labadan beelooda uu ka dhacay Degmada Jawiil Ee Gobolka Hiiraa.