Cristiano Ronaldo oo shir jaraa’id uga hadlay ciyaarta adag ee caawa

899
13790

23/10/2018 (RBB NEWS) – Laacibka xulka qaranka Bortaqiiska iyo kooxda Juventus ayaa dareenkiisa ku aaddan kulanka xiisaha badan ee caawa ay kooxdiisa la yeelaneyso naadigiisi hore ee Manchester United uga hadlay shir jaraa’id.

Ronaldo oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan kooxdiisa Juventus oo uu ka mid yahay tababare Massimiliano Allegri ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay uga hadlay arrimo dhowr ah.

Wuxuu ka hadlay sida uu ugu diyaarka ugu yahay ciyaarta dunida oo idil laga sugayo ee uu uga hor tagi doono kooxdiisii hore ee Manchester United.

Ciyaartaas oo qeyb ka ah tartanka koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions league ayey kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester United garoonkeeda Old Trafford ku marti galin doontaa kooxda Juventus oo ka soo safreysa dalka Tlyaaniga.

Caawa ayaa la filayaa iney labada kooxood foodda isku daraan ciyaar xiiso leh oo soo gali doonta saacadda afrikada bari marka ay tahay 10:00(22:00).

Cristiano ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay dib ugu laabashada garoonkii uu horay uga ciyaari jiray, wuxuuna sheegay inuu filayo guul uu kala soo noqdo halkaas, inkastoo uu ka dhawaajiyay in Manchester United ay tahay koox adag oo aan la dhayalsan karin.

“Waa koox weyn oo ciyaartoy fiican heysata waana ogahay iney adagtahay sida looga badiyo, iyagoo waliba ku ciyaaraya garoonkooda” ayuu yiri.

Dhanka kale, shirkiisa jaraa’id ayuu uga hadlay arrimaha la xiriira eedeymaha kufsiga ee loo soo jeediyay.

Ronaldo ayaa sheegay inuu faraxsanyahay oo uusan wax culeys ah dareemeynin, isla markaana uu yahay qof aan waxba galabsanin.

“Waxaan ahay qof nasiib leh, waxaan leeyahay qoys faraxsan, 4 carruur ah ayaan leeyahay, wax iga maqan ma jiraan”. Ayuu yiri. Ronaldo oo sidoo kale loo yaqaanno CR 7. Wixii intaas ka soo harana, ma aha wax nolosheyda saameyn ku yeelanaya”.

Kiiskiisa ayuu sheegay iney gacanta ku hayaan qareenno loo xil saaray.

Haweeney dharka xayeysiisa oo lagu magacaabo Kathryn Mayorga, oo 34 jir ah ayaa dhawaan sheegtay in Cristiano uu fal kufsi ah u geystay sannadkii 2009-kii.

Mar la weydiiyay in uu tusaale u yahay dadka kale ayuu yiri: “Waan ogahay inaan ahay qof ay dadka ku daydaan, 100% waan ogahay taas. Sidaas awgeed waan faraxsanahay, waana dhoolla caddeynayaa”.

XIGASHO: BBC SOMALI

899 COMMENTS

  1. 1xbet android

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a few unrelated data, nonetheless seriously really worth taking a appear, whoa did one particular master about Mid East has got more problerms as well […]

  2. TransHub

    […]although internet sites we backlink to beneath are considerably not related to ours, we feel they may be basically really worth a go by, so possess a look[…]

  3. afghan feminized

    […]Wonderful story, reckoned we could combine some unrelated data, nonetheless truly really worth taking a appear, whoa did a single discover about Mid East has got far more problerms as well […]

  4. MILF Porn

    […]very couple of sites that come about to be comprehensive beneath, from our point of view are undoubtedly effectively really worth checking out[…]

  5. Dank Vapes

    […]we prefer to honor lots of other internet internet sites around the net, even when they aren’t linked to us, by linking to them. Beneath are some webpages worth checking out[…]

  6. green maeng da kratom

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a number of unrelated data, nonetheless actually really worth taking a look, whoa did one discover about Mid East has got much more problerms at the same time […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here