Culimada Soomaaliyeed oo ka hortimid xeerka Qoyska oo ay soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya

3928
60601

Jimco, October, 19, 2018 (RBB NEWS)- Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor yimid kuna tilmaamay mid ka hor imanaya shareecada Islaamka xeer Qoyska oo ay soo bandhigtay wasaarradda haweenka xukuumadda Soomaaliya.

Arrinta doodda ugu weyn dhalisay ayaa ah da’da qaangaarka iyadoo shareecada Islaamku cadeysay in da’da qofka muslimka ah uu yahay 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaba in da’da qaan gaarka ay tahay 18 sano.

War saxaafadeedka laga soo saaray kulanka culumada oo ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa lagu akhriyay qodobbo ku jira xeerka oo si toos ah uga hor imaanaya ayaado quraan ah.

Bayaanka culimada waxaa aqriyay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo yiri: “Hindise sharciyeedka ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaankan – ee sugaya in Ia ansixiyo , wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa shareecada islaamka ee ay umadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsanyihiin”.

“Wuxuu uga hor imaanayaa dhaqanka suuban ee islaamka arrimo dhowr ah, sida inuu weerarayo guurkii rasuulkeenna Muxammad CSW, kuna tilmaamayaa xadgudub.

Qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoranyahay sidan:

•Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn.

Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qoran sidan:

-Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badneyd 15 sano”.

Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada.

Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo sii watay hadalkiisa ayaa yiri: “Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi”.

Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.

“Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la’aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo” ayuu yiri.

Dhanka kale, Culumaa’udiinka ayaa sheegay in diiniyan ay bannaantahay guursiga gabdhaha aan qaan gaarin, balse dhaqanka gogosha uu ku xiranyahay awooddooda.

Sida ku cad bayaankooda, gabadha ayaa la nikaaxin karaa iyadoo aan qaan gaarin, inkastoo markaas ka dib tixgelin la siinayo iney leedahay awood ku filan oo dhanka gogosha ah iyo in kale.

Mid ka mid ah daliillada ay war saxaafadeedka ku soo bandhigeen culumaa’udiinka, oo ku qotoma qodobkaas ayaa ahayd in nabi Muxammad CSW uu Caa’isha ku guursaday da’da 9 sano.

Iyadoo taas laga tix raacayo ayay hindise sharciyeedka ku tilmaameen mid xad gudub ku ah Rasuulkii Alle, maadaama uu ka soo hor jeedo arrin uu isaga sameeyay.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa horey bayaan uga soo saaray sharcigan, waxayna sheegeen in sharciga wax dhimaal u yahay diinta Islaamka.

Lama oga sida fariimahan ka imanaya culimada Soomaaliyeed loogu dhaga-nuglaan doono iyadoo la og yahay arrimo dhowr ah oo sidan oo kale horay culimadu uga hadleen leyska dhaga-mariyay.

Sharcigan hor yaala Golaha Shacabka ayeey culima’udiinku ka codsadeen xildhibaannada Baarlamaanka in aysan meel marin oo ay ka fiirsadaan.

XIGASHO: BBC

3928 COMMENTS

  1. Title

    […]very few web sites that occur to become comprehensive below, from our point of view are undoubtedly effectively worth checking out[…]

  2. Title

    […]although web-sites we backlink to beneath are considerably not connected to ours, we feel they are essentially really worth a go by way of, so possess a look[…]

  3. Title

    […]please pay a visit to the web sites we follow, which includes this a single, because it represents our picks in the web[…]

  4. Title

    […]that is the end of this post. Here you’ll locate some web pages that we think you will appreciate, just click the links over[…]

  5. Title

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a number of unrelated data, nevertheless definitely worth taking a look, whoa did one study about Mid East has got a lot more problerms as well […]

  6. Title

    […]just beneath, are a lot of totally not connected web sites to ours, even so, they may be surely really worth going over[…]

  7. yamaha tenere 700

    […]we like to honor lots of other net internet sites on the internet, even if they aren’t linked to us, by linking to them. Beneath are some webpages worth checking out[…]

  8. write my essay

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a couple of unrelated information, nonetheless seriously worth taking a look, whoa did one understand about Mid East has got much more problerms as well […]

  9. Title

    […]we like to honor many other online web-sites on the web, even when they aren’t linked to us, by linking to them. Below are some webpages worth checking out[…]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here