Dab lala barbar dhigay ‘Qiyaamihii’ oo waqooyiga Ingiriiska ka kacay

21
852

Kooxaha dabka bakhtiiya ee waqooyiga England ayaa la tacaalaya dab weyn oo ka kacay deegaan uu caws badan ku yaalla oo u dhow magaalada Manchester.

Ilaa 150 qof ayaa laga daadgureeyey guryahooda, dad goobjoog ahna waxay leeyihiin muuqaalku wuxuu u egyahay sidii “qiyaamihii”.

Ololka ayaa ilaa 6 mitir cirka isku shareeray, waxaana sida roobka u soo daadanaya dambas.

Saraakiisha dabdamiska waxay sheegayaan in cimilada oo kulul, dabaylo halkaa ka jira, waddo la’aan iyo deegaanka oo fog ay adkeeyeen in dabdamiyeyaashu ay qalabkooda iyo biyaba gaarsiiyaan halkaas.

War goor dhow soo dhacay wuxuu sheegayaa in milateriga loo yeeray inay gacan ka gaystaan sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa.

Lama oga sababta dabka dhalisay.