Dab baa bi’iyay 150 Guri Oo Kuyal Magalo Muhim Ah.

0
326

Khamiis, RBB News:- ayadoo lagu guda jiray dabaal daga Kirismaska ayaa Dabka xoogan waxa uu baabi’iyay in kabadan 150 guri oo kuyaala Dalka Chile.

Dabka ayaa kacay xaafad yar yar oo ku taal magaalada xeebta leh ee Valparaíso ee ku taal Chile waxa uuna qabsaday in ka badan 150 guri Talaadadii (24-kii December),

Dab-damiyaasha ay ku dhibtooday xakameynta dabka, ayagoo awoodi waayay in ay baqtiiyaan Dabkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta katirsan Dowlada.

Dadka dagganaa ayaa ka cararay guryahooda xilli ay ku guda jireen dabaal daga Ciida Kirismiska waqtigaas oo guryahooda uu qabsaday dab xoogan.

Dadka qaar ayaa lumiyay dhammaan wixii ay haysteen iyo xitaa xayawaanka rabbaayadaysan, ayuu yiri goobjooge ku sugan Goobta uu dabku ka kacay oo la hadlay wakaalada Reuters.

Dabka waxa uu yimid kadib kuleylka Koofurta Hemisphere oo sare ukacay iyo dabaylo xoog leh, waxa uuna ka bilaabmay dabka aag duur ah ugu dambeyntii ayuu ku faafay magaalada, sida dabdemiska ay sheegeen.

Magaalada Valparaiso, oo caan ku ah guryaha midabada leh ee alwaaxda ka samaysan, ayaa caan ku ah dalxiisayaasha ku nool Koonfurta Ameerika.