Dad hor leh oo looga shakiyay caabuqa Ebola oo la dhigay Isbitaal ku yaal dalka Kenya.

0
298

Isniin RBB News:- Sadex qof oo looga shakiyay caabuqa cudurka Ebola meel gooni ah loogu karantiilay isbitaalka qeybta shanaad ee ismaamulka Kericho ee dalka Kenya.

Ninka looga shakiyay Cudurkaan xaaskiisa iyo laba ruux oo kale oo caawiyay haweeneyda looga shakiyay cudurkaan ayaa qol gooni la seexiyay sida uu warbaahinta u xaqiijiyay sargaal ka tirsan waaxda Caafimaadka.

Balse ilaa iyo hada ma jirto astaamo muujinaya in dadkaan ay qabaan Cudurka Ebola.

Agaasimaha wasaarada caafimaadka Kericho Dr Shadrack Mutai ayaa warfidiyeenada u sheegay in ay dadaal ugu jiraan ka hortaga Caabuqaan.

Hey,ada caafimaadka aduunka ee loo yaqaan (WHO) ayaa quburo caafimaad u dirtay aagaasi si loo baaro Dadkaan.

Waaxda baaritaanada caafimaadka Kenya ee loo yaqaan (Kemri), ayaa sheegtay in 12 ilaa 24 saacadood ay diyaar noqon doonto natiijada Baaritaanka.

Maalintii axada ayaa haweeney ka soo safartay magaalada Malaba ee dalka Uganda la dhigay isbitaalka Siloam ka hor inta aan loo soo wareejin isbitaalka dhexe ee magaalada Kericho.

Kenya ayaa heegan sare ugu jirta ka hortaga caabuqa cudurka Ebola oo 1,400 oo ruux ku dilay dalka Congo maalmo ka horna ay laba qof ugu dhinteen dalka Uganda.