Dad ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

0
348

Khamiis 30, May 2019 (RBB News) – Shilkaan gaari ayaa waxaa uu xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee Gobolkaas,waxaana uu sababay dhimshada laba Dhalinyaro aheyd oo mid ka mid ah Gawaarida shilka gashay saarnaa.

Shilka ayaa ka dambeeysay,kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado ah oo ka tegay Magalada Garoowe uu dusha ka maray Gaari nooxa Raaxada ah oo ka yimid dhinaca Magalada Khardho,waxaana ku geeriyooday laba Wiil oo lagu kala Magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Diiriye iyo Cabdi Rashiid Yaasiin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gaariga yar oo ay saarnaayeen laba Dhalinyarada ahaa ee geeriyootay uu hadana shilka kadib dab xoogan uu ka kacay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaariga oo holcaya taas oo keentay in Dhalinyarada loo gurman waayo.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ayaa Warbaahinta u sheegay in qof ay uga shakisan yihiin in uu yahay Shaqsigii waday Gaariga nooca Xamuulka qaado ah ay ku qabteen Mgalada Khardho,isla markaana ay baaritaano ku sameynayaan.

Sanadihii u dambeeyay ayaa shilalka Gaari ee sababa dhimashada iyo dhaawaca waxaa ay kusoo bateen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland,iyada oo bilihii u dambeysay ay ka dhaceyn in ka badan 10 Shil.