Dad Lagu Dilay rabshado ka dhacay Koonfurta Hindiya.

0
342

Jimco, RBB News:- Laba ruux oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay magaalada Mangaluru ee koonfurta Hindiya sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Arintaan ayaa timid kadib markii dibadbaxyo xoogan ay gilgileen magaalada kaasi oo looga soo horjeedo sharciga Cusub ee muwaadinka oo dowlada meelmarisay todobaadkii Hore.

Labada qof ee geeriyootay ayaa mid ka mid ah waxaa toogtay booliska kadib markii gacmaha la iskula Tagay.

Mr Sindhu Rupeh oo ka tirsan saraakiisha magaalada ayaa sheegay in dadka la dilay ay ciidanka ku tuureen Dhagxaan.

Gobolada Hindiya ayaa waxaa ka taagan dibadbaxyo xoogan kadib caro ka dhalatay sharciga cusub ee Muwaadinka.

Xukuumada Delhi ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ah ee ku nool Hindiya tobanaankii sano ee la soo dhaafay ay heli doonin wax sharci ah hadii ay heestaan diinta Islaamka.

Dadkaan ayaa ka soo jeeda wadamada Pakistan Bangladesh iyo Afghanistan, balse muslimiinta Hindiya ayaa sharcigan u arka mid iyaga ku Xadgudbaya