Dagaaliyahano Katirsan Daacish oo markale lagu arkay deegaano Cusub

0
257

Sabti, RBB News:- Dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyo gacan saar la leh dowlada Ciraaq oo loo yaqaan Xashaad Al-Shacbi iyo kooxda daacish ayaa ka dhacay agagaarka magaalada koonfureed ee Samara.

Hogaanka sare ee kooxdan ayaa u sheegay warbaahinta in ay dhaxda u galeen dagaalamayaal ka tirsan daacish oo isku dayay in ay Jaraan wado Istaraatiiji u ah isku socodka gobolka Tal al-Zahaab.

Kooxda daacish ayaa u muuqata in ay dib u soo laba kacleyneyso gudaha dalka Ciraaq taasi oo loo aneynayo dibadbaxyada rabshada wata ee shacabka uga soo horjeedaan xukuumada Baqdaad.

Laba sano ka hor ayay aheyd markii maleeshiyada daacish laga saaray guud ahaan waqooyiga Ciraaq