Danjire Micheal Keating Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida

745
6619

Muqdisho-(RBB)-Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socota Waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaallaha ee Soomaaliya.

Keating ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kaalin walba oo Soomaaliya ay ku gaari karto isku filnaan.

Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin.

Michael Keating ayaa aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya  Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya.

Xorriyatul qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

“Soomaaliya waxaan leeyahay cidna wax ha ku sugin waxa ay rabtaba ahaatee sidda, amni, dhaqaale iyo wax kalaba Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Micheal Keating.

Dhinaca kale, dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Diinaari oo ah weriye hore iyo safiir isaga oo yiri” Waa Laga Soo Gudbay xiliyadii la dili jiray weriyeyaasha, UNkana waa inay dhaqaale ahaan taageeraan, oo weliba tababr siiyaan”.

745 COMMENTS

  1. I?аАТ’аЂа†ll right away grasp your rss as I can not in finding your e-mail subscription hyperlink or newsletter service. Do you ave any? Please allow me recognize in order that I could subscribe. Thanks.

  2. Very nice post. I just stumbled upon your blog and wanted to say that I have truly enjoyed browsing your blog posts. In any case I all be subscribing to your feed and I hope you write again very soon!

  3. Please let me know if you’re looking for a writer for your site. You have some really good posts and I believe I would be a good asset. If you ever want to take some of the load off, I’d absolutely love to write some content for your blog in exchange for a link back to mine. Please send me an email if interested. Thank you!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here