DEG DEG:- Dil goor dhaw ka dhacay Muqdisho

0
243

Talaado, RBB News – wararka Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Dhankeenleey waxay sheegayaan in goor dhaw degmadaasi lagu dilay nin ganacsade ah.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen koox ku hubeysnayd bistoolado oo dhowr xabadood la dhacay marxuumka geeriyooday, durbana waxaa la sheegay in kooxdii dilka geysatay goobta iskaga baxsadeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in ay goobta ay soo gaareen ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo howlgal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi ka sameeyay halkaasi.

Weli ma cada sababta ka dambeysay dilka ninka ganacsadaha ah wallow maalmihii ugu dambeeyay magaalada muqdisho ay ka dhacayeen dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah iyo xubnaha katirsan dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Xalay ayey ahayd kadib markii meel aan ka fogeen isgooska Sanca koox bistoolado ku hubeysan ay ku dileen askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.