DEG DEG:- Masuuliyiin katirsan Dowladda Kenya oo haatan u duulay Magaalada Kismaayo

0
218

Sabti RBB News:-Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Dalka kenya ayaa xaqiijinaya in wafdi heer sare oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalkaasi Aadan Barre Ducaalle in haatan ay kasoo duuleen garoonka Jomma Kenyatti ee Maagaalada Nairobia.

Madaxdan katirsan Dowladda Kenya ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta Kmg ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedada Safarkooda ayaa ku saleysan ka qeyb qaadashada Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Madoobe.

Socdaalka Masuuliyiinta ayaa kusoo beegmeysa xilli Dowladda Soomaaliya ay xayiraad kusoo rogtay Duulimaadyadii sida tooska ah kaga soo bixi jiray kenya ee u socdaali jiray Kismaayo.