Dhageyso:- Afayeenka Madaxtooyada oo ka hadlay isbadalka shirarka jiraa’iid ee Madaxweynaha

0
518

Axad, RBB News – Cabdinur Maxamed Axmed ayaa Afayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba iska badalin shirarkii jiraa’iid ee uu horay u qaban jiray madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Faramaajo ee ay saxaafaddu su’aalo ku weydiin jireen.

Waxa uu sheegay in haddii uu madaxweynaha ka qeyb galo shirarka muhiimka ah in ay saxaafaddu u yeerayaan, balse waxa uu sheegay in arimaha yar yar ee ka dhaca madaxtooyada muhiim aysan ahayn in uu madaxweynuhu uu ka hadlo.

waxa uu tilmaamay Cabdnur Maxamed Axmed in ay wasaaradaha ay quseyso arimaha ku aadan xaaladda dalka ay ka hadlaan maadaama shaqadoodu ay tahay oo aysan waajib ahayn in madaxweynuhu uu ka hadlo arinta taagan iyadoo ay jirto wasaarad u xil saaran howlahaas.

wax lala yaabo ayuu ku tilmaamay in dadka qaar ay ku adkaato in ay aaminaan hadalada kasoo baxa madaxtooyada ee isagu uu la wadaago warbaahinta.

hadalkan afayeenka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo madaxda dowladda lagu eedeeyo in ay badaleen nidaamkii su’aalo weydiinta xiliyada shirarka jiraa’iid ay qabanayaan taas oo ay Wariyaashu dhowr jeer ay ka hadleen.

Halkan ka dhageyso Codka Afayeenka Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed