Dhageyso:- Askari shalay Lagu dilay Muqdisho oo aan wali la’aasin iyo xiisad qabiil oo Ka dhalatay.

308
5995

Arbaco 30 Janaayo 2019 (RBB News) – Shalay Duhuradii ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo lasheegay in ay isbaaro utaalo agagaarka Ex-kontarol Afgoye ay toogteen askari katirsan Ciidanka Booliska Somaliya kaas oo kayimid Gurigiisa halkaana marayay.

Kooxahan ayaa lasheegay in fariisamo ay kuleeyihii meel udhaw Ex-contarol Afgooye iyagoo aanan katirsaneyn ciidamada Dowlada.

Raggan hubeysan kuma libisna dariiska ciidamda dowlada balse waxaana lasheegay in ay doonayeen in Qoriga ay kaqaataan Askariga.

Ehellada Askariga Oo lasoo xiriiray Idaacada Banadir aya usheegay in illaa iyo hadda aanan la aasin askariga meydkiisa uuna kujiro Qaboojiye waxana ay sheegeen ilaa ay cadaalada ay ka helaan in aynan aasi doonin.

Sidoo kale Ehallada ayaa sheegay in ay aad ugaranayaan shekhsiga Dilay waana shaqsiga hogaamiya Ragga hubeysan sida Ehellada Markale Idaacada Banadir ay usheegeen.

Taliska booliiska Somaliya ayay ku eedeyeen in aysan waxba uqaban kadib marki ay dacwoodeen waxaana ay ugu jawaabeen iska aasa Meydka sida uu inoo sheegay Askariga Dhintay Adeerkiis.

Waxaa Ehellada askarigu ay sheegayaan in ay arintu mareyso qabiil dowladiina ay waxba kaqaban weysay.

Madaxda dowlada iyo Taliska Booliska Somaliyeed ayay kadalbadeen in cadaalada latuso lona keeno dadkii kadambeeyay dilka Wiilkooda.

HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA:- 

308 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here