Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano Cusub

0
442

Isniin, 3 june 2019 (RBB NEWS) – Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee Gobolkaas ka sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalkaas ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad ee Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo Dhame Cali Maxamed ayaa sheegay in u jeedkoodu uu ahaa in Al-Shabaab laga saaro deegaano hoostaga degmada Baardheere,isla markaana weli uu socdo.

Waxa uu sheegay taliyaha inay Shabaab kala wareegeen tuulada Cali Xareed iyo tuulooyin kale iyo Bar-koontorool oo ay Shabaab gaadiidka lacago uga qaadi jireen.

Taliyaha ma shaacin wax dagaal ah oo dhexmaray,iyaga iyo Al-Shabaab intii ay howlgalka ku jireen,hayeeshee uu sheegay in uu yahay mid ay ku doonayaan in guud ahaan deegaanada hoostaga Baardheere ay uga saaraan Al-Shabaab.