DHAGEYSO:- Liyuu Boolis Oo Kaqey Qaatay Dagaal Beeleed Kadhacay Xuduuda Somaliya Iyo Itoobiya.

0
347

Talaado, RBB News:– Deegaanada ay Kajiraan Dagaal beeleedyada Ayaa ah Deegaano Miyyi ah Oo udhaxeeyo Xadka ay wadaagaan Somaliya Iyo Itoobiya.

Waxa ay labada maleeshiyo isku adeegsadeen rasaas dhalisay khasaaro Isugu jira Dhimasho iyo dhaawac Waloow Dagaalka markii dambe uu joogsaday.

6 Ruux Oo ka kala Tirsan dhinacyada Dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalkan sida uu Idaacada Banaadir u xaqiijiyay Mid kamid ah Dadka Deegaanka.

Dagaalka Dhaxmaray maleeshiyadan ayaa ka dhashay Dhul daaqsimeed labada maleeshiyo Udhaxeeya oo kuyaala Deegaan layiraahdo Hareeeri.

Ciidamada Liyuu boolis ayaa lagu eedeeyay in ay garab siiyeen Maleeshiyo Kamid ah kuwa dagaalamay.

Waa kan mid kamid ah Dadka Deegaanka Oo Idaacada Banaadir ugu Warbixiyay Sida Ay Wax Udhaceen Iyo Khasaaraha Kadhashay Weerarkaasi.

Deeganada Dhaca Xadka Somaliya iyo Itoobiya waxaa inta badan ka dhaca dagaalo kala duwan oo waxyeelo ay kasoo gaarto dad shacab ah waxaana inta badan lagu eedeeyaa in ay kadambeeyaan Ciidamada Liyuu Boolis ee ka amar Qaata Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

 

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSI:-