DHAGEYSO:- Madaxweyne Waare Oo Kujah wareersan Kulamadda Buullo Burde.

0
159

Talaado, RBB News:- Waxaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan Ee marti galineysaa Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaga oo halkaasi kawada kulamo Lagu xalinayo Khilaaf waayadaan kataagnaa Magaladaasi.

Waxaa fashil iyo isfahan daro kusoo dhamaaday kulan Shalay Galab Dhaxmaray Madaxweyanaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Buullo Burde.

Odayaasha ayaa soo Bandhigay Shuruud Ku adkaatay Madaxweyne Waare taasi oo ugu dambeyntii sababtay in Ay Gogosha kaga baxaan Odayaasha Madaxweynaha sida uu Idaacada Banaadir Uxaqiijiyay Mid Kamid ah Nabadoonada Kasoo Jeeda Halkaasi.

Xalay Ilaa saakay waxaa socda kulamo Isbar bar yaac Oo madaxweynaha uu layeelanayay Odayaal Iyo Waxgarad kala duwan .

Maanta waxaa lagu wadaa in Kulan Kale uu layeeshay Odayaal kale oo Kamid ah Kuwa Deegaanka Sida uu markale Idaacada Banaadir Uxaqiijiyay Nabadoonkan.

Khilaafka ugu Weyn ee hadda kataagan Buullo burde waa Dhismaha Gollaha Deegaanka Oo ay dabada kariixayaan Madaxda Maamulka Hirshabeelle Madaxda Dowlada ayadoo ay maalgalineyso Hay’adda IRC.

Waqti Kudhow 10 Sano ayay Godoon Ahayd Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan waxa ayna hadda wajaheysaa Culees ah isfahan waa udhaxeeyo Madaxda Maamulka hirshabelle Iyo Dadka Deegaanka.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSI NABADOON:-