Dhageyso:- Maxaa dhici karo haddii uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo Caleema Saarka Madaxweynaha Puntiland?

153
5535

Khamiis 24 Janaayo 2019 (RBB News) – Maamulka Puntiland ayaa magaalada Garoowe kucasuumay mas’uuliyiin iyo madax aan Siyaasada Somaliya saaxiib ku ahayn kuwaa kawada qeyb gali doono caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Saciid C/llahi Denni.

Xubnaha hogaaminaya Dowlada iyo Mucaaradka ayaa lagu wadaa in ay kaqeyb galaan caleema saarka.

Mas’uuliyiinka Iyo madaxda lacasuumay islamarkaana lafilayo in ay tagaan Garoowe waxaa kamid ah madaxweynaha Jamuriyada Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii dowladii KMG-ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Ra’isul wasaarihii hore ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, iyo wufuud heer caalami ah kuwaa oo wada tagaya sida lafilayo magaalda Garoowe.

Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowlada Somaliya.

Aqoonyahaan Suleymaan Cabdi Badal oo kamdi ah aqoonyahaanada Soomaliyeed oo wareysi siiyay Idaacada Banaadir ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Garoowe haddii uu tagana ay kadhalan karta caqabad xoogan.

HALKA KA DHAGEYSO WAREYSIGA:-

153 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here