Dhegxaan Lagu jaray Isgoyska Ex Control Afgooye.

0
426

Axad RBB News:- Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta dhegxaan ku jareen Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax gaadiid ah oo adeegsanaya wadadaasi

Gaadiidka isaga kala tallaaba Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay dadka deegaanka sheegeen inaanay maanta isugu kala tallaabi karin labada magaalo.

Dadka ayaa la arkaayay iyaga oo soo lugeynaya, islamarkaana ka soo degaaya gaadiidka, bacdamaa si toos ah wadada dhegxaan loogu jaray.

Saraakiisha Booliska ee halkaasi ka hawlgala ayaa waxaa laga soo xigtay in amar ka soo baxay Dowladda Somaliya lagu xiray wadadaasi, sababtuna aanay garanayn.

Gawaarida ayaa waxa ay yihiin kuwa ku eg nawaaxiga Taliska Ciidanka Asluubta iyo xaafadda Galmudug, mana jirto baabuur halkaasi ka soo gudbaya.